1 Goormay furan tahay xarunta adeega bulshada:
Jawaab : Waqtiyada ay furan tahay waa laga bilaabo saac.08.00 ilaa saac. 16.00 sannadka
oo dhan.
NAV
2. Xagee ka heli karaa xafiiska caymiska dadweeynaha ee NAV ? Jawaab:Xafiiska caymisku wuxuu ku yaala , Storgt. 118 A/B , ka soo horjeeda Minneparken , hadii kale waxaad gashaa bogga interneedka ee cinwaankiisu yahay: www.nav.no
3. Xagee ka heli karaa xafiiska shaqada ee NAV ?
Jawaab: Xafiiska shaqada ee NAV wuxuu ku yaala Storgt. 118 A/B , ka soo horjeeda Minneparken,
hadii kale waxaad gashaa bogga interneedka ee www.nav.no
Waaxda canshuuraadka
4. Xagee u dirayaa wargalinta guuritaanka / badalidda cinwaanka.?
Jawaab:Wargalinta guuritaanka / beddelista cinwaanka waxaad ku gudbin kartaa adoo galaya www.skatteetaten.no
Foomka guuritaanka waxaad kaloo ka heli kartaa adigoo la xiriiraya xarunta adeega bulshada.
Bangiga guryaha
5. Xagee ayaan ka heli karaa deeynta biloowga ah ?
Jawaab : Waxaad la xiriiri kartaa xarunta adeega bulshada iyagaa haya foomka lagu codsado
Isla-markaana kaa caawimi kara buuxintiisa,talana kaa siinkara waxyaabaha la xiriira codsiga. Waxaad kaloo ka soo guursan kartaa foomka interneedka cinwaanka: www.husbanken.no
Xisaab lacageed
6. Waxaan rabaa inaan kala qeeybiyo qaansheegadka canshuurta dadban ee adeegyada dawladda sida ( qaadista qashinka, biyaha iyo i.w.m ), sidee ayaan u sameeyn karaa ? Jawaab: La xiriir xarunta adeega bulshada, waxaay kaa caawimi karaan in laguu kala qaybiyo canshuurtaas.
Kaalmada degaanka (guriga)
7. Xagee ayaan ka heli karaa foomka lagu codsado kaalmada degaanka iyo warbixinaha la xiriira kaalmada degaanka?
Jawaab: Foomka kaalmada degaanka waxaad ka heli kartaa xarunta adeega bulshada anaguna warbixin baanu kaa siinaynaa waanuna kaa caawinaynaa buuxinta dalabkaaga. Waxaad kaloo ku dalban kartaa habka elektaroonka adigoo gelaya www.alltinn.no Waxaad kaloo warbin ka heli kartaa www.husbanken.no
8. Goormaa ugu danbaysa oo la codsan karaa kaalmada degaanka?
Jaawaab: Qofka codsanaya kaalmada degaanka waa in uu degan yahay bisha kowgeeda bisha uu kaalmada codnayo.Ugu danbayntii waxaa la codsan karaa bil walba 14 keeda
Dugsiga
9. Goormay bilaabanayaan dhamaanayaana fasaxyada dayrta,ciida masiixiga ee dugsiga dhexe?
Jawaab: Jawdwal sanadeedka, la xiriira dugsiyada wuxuu had iyo jeer ku jiraa oo diyaar ku yahay www.porsgrunn.kommune.no
Waxaad kaloo la xiriiri kartaa xarunta adeega bulshada oo ka jawaabi kara su’aashas
10. Deegaankee ayuu dugsigayagu ka tirsan yahay?
Jawaab :La xiriir xarunta adeega bulshada iyagaa kaa caawimi kara.
Kaalmada bulshada
11. Waxaan u baahanahay cawimaad dhaqaale ee kaalmo bulsho
Jawaab : Xafiiska bulshada ee ku yaala dhismaha Skomværbygget ayaa kaa caawimika codsiga. Waxaad kaloo la xiriiri kartaa xarunta adeega bulshada kaasoo ku tilmaamaya kaana caawimaya buuxinta.
Su’aalaha ku saabsan ku saabsan xanaanadda caruurta ( barnehage)
12. Xagee ayaan ka heli karaa warbixinta la xiriirta xanaanadda caruurta ?
Jawaab: Hadii aad gasho bogga xanaanadda caruurta ee interneedka waxaad ka heli kartaa dhamaan warbixinta ku saabsan xanaanadda caruurta.Waxaad kaloo la xiriiri kartaa xarunta adeega bulshada hadii aadan adigu haysan internet.
13. Xanaanadee caruurta ayaa qaabisha caruurta da'doodu ka yar tahay 2 sano ?
Jawaab:La xiriir xarunta adeega bulshada ama ka fiiri warbixinta xanaanadda caruurta bogga interneedka
14. Xagee ka heli karaa foomka wax lagu codsado/sidee u codsan karaa.
Jawaab: Foomka wax lagu sodsado wuxuu ku jiraa bogga warbixinta ee interneedka. Waxaa keli ah ee lagu codsan karaa shabakadda interneedka.
La xiriin xarunta adeega bulshada hadii aad u baahantahay in lagaa caawiyo buuxintiisa.
15. Waa imisa qiimaha booska xanaanadda caruurta ?
Jawaab:Qiimaha booska xanaanadda caruurta waxaa had iyo jeer laga heli karaa bogga interneedka ee Degmada Porsgrunn.
Qiimaha boosaska xanaanadda caruurta ee 2009da:
Qiimaha booska 100% ee xanaanada bil walba waa sida soo socota :
Dakhligaaga maanta uu ka badan yahay 5G* ( bisha maajo 2007 kr. 334.060;-
sannadkii) kr. 2330,-
Dakhligaaga maanta haduu u dhexeeya 3 iyo 5G (200.436,- - 334.059 sannadkii kr. 2125,-
Dakhligaaga maanta haduu ka hooseeya 3G: (200.435,- sannadkii) kr. 905,-
*G = Lacagta caymiska dadweynaha asaaska u ah waxay u dhigantaa waqtigaan hadda
kr. 66.812 sannadkii.
Boosaska qiimahooda la dhimay waxaa la bixinayaa innta u dhiganta boqolkiiba innta uu le'eg yahay boosku. Intaas waxaa dheeraad ku ah oo la bixinayaa kr. 150,-
Joogista waqtiga gaaban waxaa la bixinayaa kr. 600,-/900,- bishiiba.
Waxaa laga dhimayaa walaalaha boqolkiiba 30% ilmaha 2aad iyo boqolkiiba 50% ilmaha 3aad iyo 4aad.
Furuutka iyo caanaha iyo adeegyada kale waxaa lagu dalacayaa bil walba :
Booska 100% kr. 125,-
Booska 80% kr. 100,-
Booska 60% kr. 75,-
Booska 50% kr. 65,-
Booska 40% kr. 50,-
16. Sidee isaga bedeli karaa xanaanada caruurta ?
Jawaab :Si xanaanadda caruurta loogu bedesho mid kale, waa in mar kale lagu codsadaa bogga intrneedka ee Degmeda Porsgruun. www.porsgruun.kommune.no/barnehage
17. Waa goorma waqtiyada ay furan yihiin xanaanada caruurtu ?
Jawaab :Waqtiyada ay furan yihiin xanaano caruured ee waliba waxaad warbixinteeda ka heli kartaa xanaanada caruurta
18. Ma ka heli karaa fasax booska xanaanada caruurta?
Jawaab:Qofna fasax kama dalban karo booska xanaanada caruurta e degmada
19. Ma kordhin karaa/yarayn karaa booska xanaanada caruurta sanadka gudihiisa?
Jawaab: Si aad u kordhistid booska xanaanda caruurta waa in aad dirtaa dalab cusub.
Hadii aad yaraynaysid boos xanaanda caruurta ee degmada waa in aad u fasaxdaa booska sidii caadiga ahayd 2 bilood ka hor.
20. Sidee ayaa loo bixiyaa lacagata booska xanaanada caruurta?
Jawaab: Xanaanada caruurta waxaa khuseeya waxyaabahan:
Waxaa laguu soo dirayaa warqada qaan sheegadka bil kasata, marka laga reebo bisha juulaay.Warqada qaan sheegadka waxaa la soo dirraaa bil walba bilawgeeda, waxayna dhacaysaa bixinteedu 20 ka bil kasta.
Kiiska dhisashada:
21. Ma ka jiraa nidaam ka yaala ka sameeynta barkadda dabaasha ee cariishyada dalxiiska loo tago ee magaalooyinka ka baxsan ?
Jawaab : Haa barkadaha dabaasha waa in la codsadaa sida waafaqsan sharciga qorsheeynta – iyo dhisida ee qodobkiisa § 93. codsiga waxaa maamulaya sharikad xirfad u leh oo qancineeysa waxyaabaha laga rabo codsade masuul ah. Codsade masuul ah wuxuu hubinayaa in codsigu si buuxda u qeexan yahay sida waafaqsan nidaamka ka yaala hubinta iyo kiis go’aaminta kiisaska dhismaha ee §§ 18 iyo 19.
22. Waa maxay micnaha RPR ?
Jawaab : RPR waa xeerka ka yaala siyaasadda qaranka oo ah hogaanka dhexe sida qorshaha- iyo awooda maamulka dhismahu u maamuli lahaayeen dhulalka banaan, tusaale ahaan xeerka ka yaala siyaasadda qaranka ee maamulidda goobaha xeebta ah.RPR waxay aasaas kaga dhigaysaa maamulka degmada ee ku wajahan qiimaynta ka dhaafida kiisaska dhismaha qaarkood
23.Waa maxay waxqabadyada qaarkood?
Jawaab:Waxqabadyada qaarkood sida waafaqsan sharciga iskaashatada dhismaha guryaha pbl qodobkiisa § 95 b. Waa tilaabo waxqabad ee waafaqsan xeerka ama raacida sharciga qorshaha – iyo dhismaha, nidaam qorsheedka dhulka banaan,isla markaasna hadii aysan jirin wax cabasho ah oo ka timid jaarka ama dadka kula degan, ama aysan lagama maarmaan ahayn in laga helo ogolaansho intaas ka badan maamulka.
Hadii taas laga soo baxo waxaa la codsan karaa waxqabad fudud degmedana waxaa waajib ku ah in ay jawaab ku bixiyaan muddo 3 usbuuc gudahooda ah. Waxaa loo qaadanayaa in ogolaanshihii la bixiyay hadii degmadu aysan ilaalin waqtigii kama danbeeysta.
24. Maxaa laga rabaa in qof sameeyo hadii u rabo inuu helo cadeyn dhameeystiran /adeegsaho kumeel gaar ah.?
Jawaab : Codsade masuul ah waa inuu dalbadaa cadeyn dhameeystiran /adeegsaho.
Waxaa lagu soo lifaaqaya dhamaan cadeeymaha kontoroolka ee sharikadaha qayb saday masuuliyadda fulitaanka hawsha.’
25. Imisa ayaay jireeysaa ogolaanshaha dhismaha ?
Jawaab : Hadii waxqabashadu iysan bilaaban ugu danbeyn 3 sano gudahood ka dib markii lagu siiyay ogolaanshaha, markaas ogolaanshu waa burayaa. Waxaa kaloo la mid ah hadii wax qabadka dib loo dhigo in ka badan 2 sano.
26. Xagee ka codsankaraa xaq u yeelashada masuuliyadda ?
Jawaab : Hor ahaan xaq u yeelashada masuuliyadda waxaa codsan kara sharikad xirfad u leh qabashada hawsha, sababtoo ah sharciga ayaa sidaas oranaya.
27. Waxaan leeyahay jaar ( daris) leh haro biyo ku jiraan, ana waxaan leeyahay caruur yar yar. Ma jiraa wax dalab ah oo la iska rabo si amaanka loo sugo
Jawaab : .Haa, xeerka farsamada ee pbl § 7-48 wuxuu ku saabsan yahay dalabka amaan galinta biyo ku hafashada.
28. Waxaan dhisayaa garaash (42 kvm). Anigu ma dhisan karaa?
Jawaab : Garaash ilaa 70m² oo hal dabaq ah oo laga dhisay hanti degaan oo la dagan yahay hor ahaan waxaa ku filan sheegis keli ah, jfr. Pbl. § 86-a taas micnaheedu waa adiga ayaa ka masuula ah.
29. Jaarkee ayaan wargalinayaa marka aan dhisanayo degaankeeyga?
Jawaab : dhamaan inta xuduudka la wadaagta degaanka la dhisayo iyo weliba jaarka wadada dhinaceeda kale xuduudka la leh booskaaga.
30. Xagee ayaan ka dalban karaa xaaladda kaartada oo ay la socoto magacyada jaarka ee la xiriirta kiiskeyga dhismaha ?
Jawaab : Waxaad ka ka dalban kartaa xarunta adeega bulshada waxaad kaloo halkaas ka heli kartaa foomka lagu lifaaqayo kiiska dhismaha.
31. Xagee mareeysaa xaaladda kiiskeeyga dhismaha ?
Jawaab : La xiriir xarunta adeega bulshada iyaga kaa kaalmeeynaya inaad jawaab hesho marka kiiska la diiwaan galiyay iyo marka la baaraandegay ( la goa'amiyay).
Dhaqanka, ciyaaraha iyo waxyaabaha la qabto waqtiga firaaqada la yahay
32. Xagee ka heli kara macluumaadka ku saabsan waxyaabaha la qabto waqtiga firaaqada la yahay ee Degmadu dadka ugu deeqday?
Jawaab : Waxaad ka heli kartaa jadwalka dhaqanka ee interneedka waxyaabaha kala duwan ee ku saabasan waxyaabaha la qabto waqtiga firaaqada la yahay ee degmedu dadka ugu deeqday.
33. waqtiyadee maktabadu furan tahay?
Jawaab :Waqtiyada ay furantahay waa :
34. Isniin Talaado Arbaco Khamiis Jimce Sabti
Maktabada guud
Tel :35 54 71 70 10- 19 10- 19 10- 19 10- 16 10- 15 10- 13
Faraca Stridsklev
Tel. 35 51 03 62 10- 16 10- 16 10- 19 10- 16
10- 15 Waa xirantahy
Halkaan interneedka waxaad ka heli kartaa waqtiyada ay furantahay iyo warbixinno kale oo la xiriira.
Goormaa hoolka dabaashu furan yahay?
Jawaab:
Hoolka dabaasha ee Kjølnes wuxuu dabaasha dadweynaha u furan yahay 7da maalmood ee usbuuca.
Isniinta – jimcaha kl. 16.00 – 21.00.
Sabtida iyo axada kl.13.00 – 18.00.
Dabaasha subaxnimo:
Talaadada iyo khamiista: kl. 06.00 – 08.00.
Tareerinka lagu sameeyo biyaha dhexdooda:
Talaadada iyo khamiista kl. 15.15 -16.00.
Kl. 19.00 -19.45.
Hoolka dabaasha ee Stridsklev wuxuu furan yahay:
Isniinta iyo jimcaha kl. 16.00 - 21.00.
Sabtida iyo axada kl. 13.00 – 18.00.
35. Ma ka jiraa Degmeda kalaab caruurta iyo dhalinyarada ?
Jawaab : Degmedu waxay leedahay kalaabyada caruurta iyo dhalinyarada ee soo cocda :
Xarunta la tago waqtiyada firaaqada la yahay ee Stridsklev
Xarunta la tago waqtiyada firaaqada la yahay ee Lundedalen
Hooyga dhaqanka iyo shaneebada ee Brevik
Hooyga dhaqanka ee xaruntii hoore ee boostada
Adeega maadinta caruurta
36. Sidee buu noqonayaa booqashada guriga?
Jawaab : Waxaa gacan kaa siinaya xarunta adeega bulshada buuxinta codsiga, iyo siinta waraaqaha daabacan oo ay ku yaalaan macluumaadka la xiriira booqashada guriga. Adeega maadinta caruurta ee Degmada ayaa ka baaraandegidda codsiga.
Bey´ad
37. Maxay tahay shaqada bey´ada ee ku jahaysan qasdiga?
Jawaab : Waxaa la sameeyay qorshe bey´adeed oo Degmada Porsgrunn sheegeeyso siduu yahay.Adiga laftaadu waxaad la xiriiri kartaa lataliyaha bay´ada ee Degmada Porsgrunn wixii warbixin intaa ka badan.
Naafada
38. Maxay yihiin adeegyada ay bixiso hay´ada daryeelka?
Jawaab : Adeegyada sida : xarun maalmeedka, guryo ay shaqaale joogaan, adeegayaasha caafimaadka ee guryaha taga, caawiyaha, kalaabyada waqtiyada firaaqada la yahay la tago ee loogu talagalay naafada.
39. Xagee Degmada Porsgrunn ka heli karaa warbixin intaas ka badan ee adeegyada loogu talogalay naafada.
Jawaab : Waxaad ka heli kartaa adigoo la xiriiraya adeega shaqaalaha bey´adda ama deegaanka ee xarunta deegaanka iyo dhaqancelinta ee Borgehaven, tel: 35 56 24 00.
Kaartada iyo cabiridda ( macluumaadka cabirka dhulka iyo baaristiisa)
40. Ma iskumid baa ereyada ku waajibinta dagista
Jawaab:Waajibka degistu waa horayso iyo damaysoba waa xuquuq la taaban karo taas oo xambaarsan waajib in qof leh, dhul beereed ama guri uu isticmaali karo sanadka oo dhan si deegaan ahaan ah. Waajibku wuxuu noqon karaa mid shakhsinima ah amaba mid aan ahayn.
Waajibka degista shakhsiinimadu waxay xambaarsan tahay in qof cayimani degan yahay dhulka; Waajibka degista oo aan shakhsiyasnayn waxaa la doonayaa in dhisme cayiman la isticmaalo iyadoo aysan ku xirnayn qofka degan.
41. Ma la soo saaray waajibka degista ama ogolaansho aan xad lahayn degmada Porsgrunn?
Jawaab:Haa qaybo ka mid ah Porsgrunn.Kala xiriir xafiiska adeega bulshada jawaab dhamaystiran.
42. Waa maxay dhisme qayb ka yeelashadu?
Jawaab: dhisme qayb yeelashda: Qayb ka mid ah dhisme kaas oo uu qofku xaq u leeyahay in uu isticmaalo dhawr guri ama dhamaantoodba.
43. Xagee baan ka heli karaa warbixinta guriga, lambarka guriga iyo lambarka isticmaalida, qofka leh guriga.
Jawaab: la xiriir xafiiska adeega bulshada iyaga ayaa haya warbixnta guryaha iyo dhulka dhulka degmada kuyaaal.
44. Foomkee ayaa la isticmaalayaa si loo cadayo ogolaanshaha xorta ah?
Jawaab:Cadayntaada ku saabsan ogolaanshaha xorta ah ee guriga aad la soo wareegtay mv. (SLF-0360 )
45. Xagee ayaan ka heli karaa maabka oo elegtaroonig ah degmada Porsgrunn, xagee ayaana anigu ka dalban karaa tan?
Jawaab: La xiriir xafiiska cabiraada dhulka ee degmada iyagaa masuul ka ahe, 35 54 70 00.
46.Xagaan ka dalban karaa tirakoobka dadka, xaafad, kala duwanaansha da'da iwm.?
Jawaab: La xiriir xafiiska cabirka dhulka iyagaa muuqaalka hayee, tlf 35 54 70 00.
47.Xagaan ka dalban karaa warbixinaha kala duwan ee GAB?
Jawaab: La xiriir xafiiska cabirka dhulka iyagaa muuqaalka hayee, 35 54 70 00
Beera qodashada
48. Dhaawaca ugaarta, maxaan samaynaynaa anagu?
Jawaab: La xiriir gudida ugaarta waxaadna kala xiriiri kartaa hogaamye Kai Johnsen tlf. 35 91 53 26 ama 41 69 10 42
Barashada Noorwiijiga
49. Kumaa heli kara barashada Noorwiijiga oo lacag la'aan ah?
Jawaab:Xeerka khusaya qofka helay ogolaansho joogitaan ka hor 1da. sebteembar 2005 waxaad ka heli kartaa halkan:
htt:/www.imdi.no/templates/Tema 4649. aspx
Xeerarkani wuxuu khuseeyaa ilaa 1da. sebtembar 2010
Qofkii helay ogolanshaha joogitaanka 1da.sebteembar 2005 kadib marka loo fiiriyo xeerka cusub ee xuquuq iyo waajibaad uyeelashada in lagu baro Noorwiijika iyo cilmiga bulshada.
Xeerarkaas waxaad ka heli kartaa halkan: htt:/www.imdi.no/templates/Tema 4648. aspx
Marka la xiriir dugsiga dadka waaweyn tlf: 35 54 78 80
Adeegyada daryeelida:
50.Waa maxay xarunta dadka da'da ahi?
Jawab: Xarunta dadka waaweyn ama xarunta caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqu waa meel la isugu yimaadaan dadka waaweyni halkaas oo ay ku sameeyaan dhaqdhaaqyo kala duwan.Halkaas waxaa sidoo kale suuragal ah in aad ka dalbato qado maalmo ka mid ah usbuuca.Xarumaha caafimaadka iyo dhaqdhaaqu waxay ku yaaliin Meirigården, Brevik, Herøya. Langangen,Vestsiden,Bjørntvedt iyo Borgehaven café.
51.Aalada wax caawisa – maxay tahay, yaase heli kara?
Jawaab:Waa aalad wax caawisa oo qofku heli karo taas oo qofka ku hubinaysana inta badan hadii heerkiisa wax qabad isbedel ku yimi,haba keeno dhaawac ama xanuunba'e.
Qof waliba waa uu heli karaa in uu helo aalada wax caawisa- hadii uu baahi uqabo.
Hadii baahidu tahay degdeg, taas oo u muuqanaysa mid aan qaadanayn wakhti dheer, waxaa ka musuul ah degmada in ay u raadiyaan qofkaas aalada wax caawisa.Hadii baahidu umuuqato mid joogto ah, waa in aad la xiriirtaa NAV/ xarunta aalada wax caawisa.
Ilaa iyo hada waa ay xadidan tahay noocyada aalada wax caawisa ee degmadu haysato meelaha ay u badan tahayna waa. Meelaha dhaqdhaqaaqa-/ qubyska iyo musqusha sida loo isticmaalo.
Markaan fiirino aalada caawisa araga iyo maqalka, waa in qofku la xiriiraa dhakhtaraka indhaha iyo xarunta maqalka dhegaha ee NAV/Trygd
52. Waa maxay caawiye/taageere?
Jawaab: Waa qof u shaqaynayaa oo taageeraya qof la socod u baahan goobo kale, kuna dhiiri geliya xaga dhaqdhaqaayada bulshanimada una baahan doonayana in wax badan loo qabto,dhibaata maskaxiyan ah awgeed ama sababo kaleba.Qofka caawiyaha ahi waa qof caadi ah oo raba in uu wakhti siiyo qof u baahan.
53. Yaa noqon kara caawiye?
Jawaab: Qof weyn oo amaan ah (kana weyn 18 sano) una arka in ay tahay wax xiiso leh in uu la shaqeeyo dad kale.qof weyn oo xiisaynaya ayna la tahay wax qiimo leh la shaqaynta hay'ado kale.
Waxaa lagaaga baahan yahay warqada akhlaaqda. Ma jiro wax shuruud ah xaga waxbarashada,laakiin wuxuu noqon kartaa qof doob ah/keli ah,labo isqaba oo caruur leh amaba aan lahayn.
54.Waa maxay joogista wakhti gaabani?
Jawaab: Joogitaanka wakhti gaabani waa yool ku toosin iyo wakhti xadadan joogis xarumaha waayeelka.Waxaana loo kala saaraa sadex nooc joogitaanka wakhtiga gaabani: Maalin iyo habeen joogid ( ugu yaraan 24 saacadood)-maalin joogid iyo habeen joogid.Qofkii u baahan dhaqan celin,la caawiyo, loo kuurgalo kuwaas oo ah kooxda loogu tala galay.
55. Waa maxay joogista wakhti dheer?
Jawaab:Kii aan helin in la daboolo baahidiisa maalmeed ee xanaanaynta iyo daryeelida kaas oo uu ku helo gurigiisa, wuxuu dalban karaa in uu waqti dheer ku noolaado xarumaha dadka waayeelka ah lagu xanaanayo.
56. Adeega gaadiidka dadka naafada ah-Yaa isticmaali kara midan?
Jawaab:Qofka sababa la xiriirta naafanimadiisa awgeed baa isticmaali kara caawimada caadiga ah ee gaadiidka guud ee u gaarka ah degmada.Warqada cadaynta dhakhtarka baa lagu soo lifaaqayaa warqada dalabka.
57. Waa maxay alaarmiga amiga- yaase heli kara?
Jawaab:Isticmaaluhu wuxuu qaadanayaa alaarmiga aminga si uu u dalbado caawimo xaalad degdeg ah.Alaarmiga aminigu wuxuu ku xiran yahay xarunta waardiyaha, taas oo kugu sii xiriirinaysa kalkaalisda caafimaadka guryaha.Xarunta waardiyuha ama shaqaalaha degmadu waxay degdeg u aadayaan 24 saac hadii alaarmi yeero.
Dadka waaweyn, naafada iyo cidii kale oo daremaysa amaan daro in ay keligood deganaadaan waa kooxda loogu talagalay adeegaan.
Beer nasasho iyo meelaha dadka u furun
Nadaafada iyo fogaynta qashinka:
58.Yaa ka masuul ah nadaafada iyo fogaynta qashinka?
Jawaab: La xiriir Degmada Porsgrunn/qaybta farsamada ayaa leh masuuliyada ugu weyn
59. Ma aysan qaadin tanagayagii qashinka,xagee ayaan anigu la xiriiri karaa?
Jawaab:La xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa usii gudbinaya hay'ada saxda ah.
60. Degmadu ma leedahay nidaamka qashin kalasoocida?
Jawaab:Haa, degmadu waxay leedhay nidaamka qashin kalasoocida sida caag/warqada/qashinka khatarta ah/dhalooyinka iyo birta/waxyaabaha dunta laga samayo/dharka iyo kabaha/wixii koranto ka samaysan/qashinka beerha.
Warbixin intaa ka badan waxaad ka fiirin kartaa in aad gashid www.rig.no ( xarunta nadaafada iyo fogaynta qashinka ee Grenland).
61.Waa goorma xiliyada ay furan tahay goobaha qashinaka ee degmadu?
Jawaab:Xiliyada ay furan tahay xarunta qashin qubka ee Pasadalen waa:
isniinta ilaa khamiista saac.07-1900
Jimacada saac. 07-16 ¨
Sabtida saac. 09-16
62.Goormaa la qaadaa qashinka?
Jawaab: Guri kasta wuxuu leeyahay jadwal qashin qaadid kaas uu kutusaya maalmaaha laqaadayo qashinka iyo warqadaha iyo caagagaba.Hadii aadan helin ama lagaa qaadin la soo xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa kuu soo dirayee.
Dhulka banaan iyo hantida(guri)
63. Degmadu ma leedahay dhul baanaan oo iib ah?
Jawaab:Marka degmadu hayso dhul banaan waxaa lagu soo qoraa joornaalaka ka soo baxa degmada.
64: Degmadu ma leedahay goobo laga amaahan karo ama laga kiraysan karo?
Jawaab:La xiriir xafiiska guryo dhisda iyagaa mas'uul ka ahee.
Biyaha iyo boosaneerooyinka
65.Hadii cadaadiska biyuhu xunyahay tusaal ahaan biyo madoobi ka imaanayaan tuubada, xagee baan la xiriirayaa?
Jawaab:La xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa kugu sii xiriirinaya qaybta farsada degmada tusaale ahaan iyagaa hagaajinaya dhaawaca.
Dhaawaca uu sabab u yahay degmadu, tuuba jabtay, ama gadaal biyo ucelisey iyo wixii lamid ah waxaa hagaaajinaya degmada qaybta farsamada, hadii ay tahay tuubo gaar loo leeyahay waa in aad la xiriirtaa tuubayste.
66. Xagaa ka heli karaa meelaha tuubooyinku maraan/maabka tuubooyinka?
Jawaaab:La xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa kugu sii xiraya qayba fasamada ee degmada.Hadii ay hayaan maabaka tuubooyinka/meelaha ay tuubooyinku maraan waa ay kuu soo dirayaan.
67. Cashuurta ku xirnaansha biyaha iyo boosaneerooyinka?
Jawaab:Cashuurta ku xirnaansha biyhu waa 1 kr., boosaneeraduna waa 1 kr. Gurigiiba.
Wadada:
68. Barafkii lagama xaarin wadada.
Jawaab:La soo xiririir xafiiska adeega bulshada iyagaa kugu sii xiraya adeegayaasha magaalada ee shaqada fulinaya.
69. Birta layrka ee guriga hortiisa baa layrkii ka xumaaday,yaan la xiriirayaa?
Jawaab:La xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa ka diiwaan gelinaya warbixintaas bogga internetka ee shirkada korantada Skageraks www.skageraks.no
70. Biyo badan baa fadhiya wada, yaan la xiriirayaa?
Jawaab:La xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa kugu sii xiriirinaya qaybta farsamada ee degmada iyagaa imanaya oo fiirinaya.
71. Marka wadadu god-god leedahay, yaan la xiriirayaa?
Jawaab: la xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa kugu xiraya adeegayaasha magaalada ee wadooyinka hagaajiya.
72. Degmadu barafka ma ka xaartaa wadada gurigayaga looga soo leexdo.
Jawaab: la xiriir xafiiska adeega bulshada iyagaa kugu sii xiraya adeegayaasha magaalada oo masuulka ka ah.